Waa Maxay Hurbad ?
Hurbad waa mac’had elearning ah ee lagu barto qaybaha kala duduwan ee cilmiga computerku ukala baxo, waana mac’hadkii ugu horeeyay ee soo bandhiga koorsooyin online ah ee dhamystiran, qiimo ku qanciyana aad ku iibsan karto koorsooyinka kabaxa mac’hadka Hurbad Institute of technology.
Waa Kuma Hurbad ?
Hurbad waa hoyga tababarka engineerada mustaqbalka ee kabaro cimliga computerka goob kasta iyo goor kasta.
Baaqeena
Hurbad Baaqeedu waa waxbarashada dadwaynaha, in labaahiyaayoo labalaadhiyaa, Balanteenu waa boqol kiiba boqol (Practical) farsamada gacanta ee dhanka computerada, waxaana kaa dhowraynaa theory aan dheeflahayn, oo aan aaminsanahay in aan waxba lagu baran karin.
Himiladeena
Hurbad waxay utaagan tahay sidii ay u haqab tidhi lahayd, baahida bulshadu u qabto barashada Computerka Qaybihiisa kala duduwan, kuwaasoo kusalaysan manhajyada shirkadaha kala ah Cisco, Microsoft, CompTIA, Amazon, Cybersecurity, VMware, Adobe, & Web Development.