CCNA 200-301
Hirgelinta iyo Maamulka Qalabka Cisco
Buugaan waxaa loogu talagalay in lagu barto cilmaga Networking-ka iyo u diyaar garowga imtixaanka Cisco CCNA 200-301. Cilmiga ku jira buuggaan, waxaan aad isugu taxalujinay in aan u qorno sida ugu saxsan, ee Cisco ugu talagashay in lagu barto CCNA.

Af Qalaad waxba laguma barto ee afkaaga hooyo wax kubaro oo ku ciilbax
Ku Saabsan Qoraaga
Waa qalinkii qoraaga da’da yar Abdirizak Hersi, ahna ruugcadaa ku soo dhex jiray takhasuska networking ka, 2003 ilaa iyo hadda. Wuxuu ka soo shaqeeyay Networking mudo badan, shaqooyinka uu soo qabtay waxaa kamid ah network engineer, Systems Administrator iyo consultant. Abdirizak waa macalim wax kadhiga Hurbad Institute of technology, wuxuu soo saaray koor sooyin farabadan oo maqal iyo muuqaal iskugu jira, koorsooyin kaasna waxa aad ka heli kartaa hurbad.com.
Abdirizak wuxuu heystaa professional certifications isugu jira CompTIA A+, Network+, Security+, | CCNA R&S | CCNA Security | CCDA | CCNP R&S | CCNP Enterprise | CCDP | CCNP Security | CCIE Written | MCP, MCSA, MCSE.
Abdirizak Hersi wuxuu kaloo heystaa Bachelor’s Degree (Computer Networking – BEng), iyo Master’s Degree (Computer Networking and Cyber Security – MSc).







Previous
Next