Cybersecurity Engineer

Xogta Learning Path-ka

Cybersecurity Engineer waa qofka dajiya qorshaha iyo xeeladaha lagu sugayo amniga waaxda ITga shirkada oo dhan, waa shaqo adag balse abaalmarin badan leh iyo masuuliyado badan sida; Qorshaynta, fulinta, maamulka, kormeerka iyo casriyaynta qalabka yaala data center-ka shirkada. Cilad bixinta network-ga iyo sugida amniga agabka. waxaa kaloo ka mid ah masuuliyadaha saaran Cybersecurity Engineer-ka waa ka jawaabista dhamaan jebinta amniga network-ga, hubinta in data center iyo agabka yaala dhamaan in la isku halayn karo amnigooda oon wax dulduleel ah aysan jiran. ka qaybgalka badalista maamulka hadii looga baahdo, tijaabinta network-ga meelaha looga soo dhici karo, wacyi galinta shaqaalaha shirkada inaysan xog lawadaagin qofna, baaritaan joogta ah ow ku samaynayo meelaha ow ka jilicsanyahay network-gu iyo sida ow u jabin lahaa una xiri lahaa si aanan loogu soo dhicin. Dajinta qorshayaal lagu hubinayo in data-da shirkada aysan farahooda kabixin ayna ku dhicin faro shisheeye. Tijaabinta iyo baaritaanada joogtada ah si loo ogaado meelaha ay ka nugushahay shabakada shirkadu.

Mushaarka lagu shaqeeyo bishii USA/UK: $6,000*

Mushaarka lagu shaqeeyo bishii Somalia: $800*

*waxay ku xirantahay inta sanno ood khibrad shaqo leedahay mushaarka aad ku shaqo bilaabayso, balse waxaan kasoo qaadnay inta ugu yar ee lagu shaqeeyo, khibradaadu haday badantahay mushaarkaaku waa kabadan yahay intaas.

Cybersecurity Engineer

Cybersecurity Engineer Jobs

Koorsooyinka lagu noqdo Cybersecurity Engineer.

Cybersecurity Engineer waxaa kaloo looga baahanyhay inuu leeyahay xirfadaha sida, Xalinta ciladaha, faham dheeraad ah ee kusaabsan computerka, Khibrad dheer ee cilmiga securitiga qaybihiisa kala duduwan, feegajignaan dheeraad ah, Xirfada wada hadalka wanaagsan, Asturida sirta shirkada, afgaabni, go’aan adayg, hogaan sare.

Koorsadaan waxaa lagu baranayaa Red Hat Enterprise Linux Server.

4.5
4.5/5

Koorsadaan waxaa lagu baranayaa CompTIA Security+ SY0-601.

4.9
4.6/5

Koorsadaan CEH waxaa lagu baranayaa sida loo sameeyo Penetration testing, oo Ethical hacker lagu noqdo.

4.5
4.5/5