Sidee loo helaa Shaqo IT ah adigoon Shahaado Jaamacadeed haysan

Shaqooyin badan oo sare ee IT-ga ah uma baahna shahaado jaamacadeed. Maareeyayaasha dadka shaqaaleeysiiya waxa eey raadiyaan qof shaqada qaban kara, una leh qibrad, balse ma eey raadiyaan qof shahaado wata.

Meelkasta ood dunida hada kajoogto shaqada IT-gu waa iskumid oo maareeyayaashu ma eegaan qofkaani majaamicibaa mise isaga ayaa waxa is baray sida oo qaatay shahaadooyin ka IT-ga ee kala duduwan.

Waxaa sheeko xariir ah in aadan shaqo IT ah helin karin adoonan jaamacad kasoo bixin, balse waxaa runta ah hadii aadan aqoonin sida shaqada loo qabto IT-ga in aadan shaqo ku helyinin.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha Mareykanka, boqolkiiba 26% dadka ku shaqeeya IT-ga ee kunool Mareeykanka wax shahaado jaamacadeed ma’eey heeyistaan, taas ayaa kuu cadeeyneeysa in eeysan qab aheeyin in aad heeysato shahaado jaamacadeed si aad uga shaqeeyso ITga.

Maadaama aan niri uma baahnid shahaado jaamacadeed sideed ku baran kartaa computer ka adoonan sadex ilaa iyo afar sano aadin jaamacad.

waxaa jira koorsooyin aad kubaran kartid mudo gaaban, koorsooyinkaasna waxa eey leeyihiin imtixaan aad galin kartid.

Koorsooyinka aad qaadan kartid waxaa kamid ah

  1. CompTIA IT Fundamentals+
  2. CompTIA A+
  3. CompTIA Network+
  4. Microsoft Windows 10 (Exam MD-100)
  5. Cisco Certified Network Associate

Markaad dhameeyso shantaan koorso waxaad u diyaartahay in aad shaqo tagto, oo waxaa hubaal ah adiga iyo qof shahaado jaamacadeed wata in aadan isku cilmi aheeyin oo adigu taqaanid sida loo qabto shaqada iyo sida oow ushaqeeyo computer ka. oona lagugu soo baray itus oo istaabsii.

SIDEEN HURBAD.COM KOORSOOYINKIISA ISKAGA DIIWAAN GALIN KARAA?

Related Articles