Xeer-Hoosaadka Hurbad.com

  1. Beec Mahan! Koorsooyinka Kujira madasha Hurbad.com waxaa leh milkiyadooda Hurbad.com, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website Hurbad.com ama Hurbad APP.
  2. La Dagis Waa Mamnuuc! Koorsooyinka Hurbad waa Dalbo oo Daawo Durbadiiba ama (Streaming Only) Loomana Ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada, sida badan koorsooyinka hurbad.com waa practical ama iTUS oo mawataan buug qoraal ah.
  3. Hal Arday, Hal Account! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Hurbad.com dignin la’aan.
  4. Hurbad Diploma!   4.1 – Diplomoyinka Hurbad waxaa baran kara arday diyaar u ah inuu qaadato dhamaan koorsooyinka ay ka koobantahay diplomadu iyo mudada loogu tala galay in lagu dhameeyo sugi kara. 4.2 – Ardaygii Laga dareemo inuusan waxbarasho diyaar u ahayn ama waqti galiwaaya cashira ama laga dareemo fudayd, ama dagdag waa laga saarayaa diploma lacagtiisa waa loo celinayaa. 4.3 – Fee ga Diploma gorgortan magasho waa hormaris.
  5. eWaxbarasho Macalin Malahan! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in waxbarashada madasha Hurbad.com uu bixiyo waa mid ah muuqaalo iyo qoraal ardayda uu iskiis isku barayo asagoo raacaya tilmaamaha muuqaalka, mana lahan meel loola laabto wixii suaal ah ama caawin ah ee ardaygu baro, maxaa yeelay maahan fasal fogaan arag ah eWaxbarashada ee waa iska wax iskubar, hadii wax ugu adkaadaana iskaa uraadso, balse waxaa jiraa caawin guud oo ah qaabka adeegsiga madasha Hurbad.com ama sida loo barto koorsada ama software ama lab ka koorsda hadii error kaaga soo baxo waa lagaa caawinayaa, balse majirto ma fahmine macalinka aan Waco si uu iifahamsiiyo cashirka.
  6. Qiimaha! Qiimaha koorsooyinka kujira madasha hurbad.com waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka Hurbad.com.
  7. Halmar Dalbo, Waligaana Daawo! Dhamaan koorsooyin kujira madasha Hurbad.com waa halmar dalbo, waligaana daawo, balse Shuruud ayaa kuxiran oo ah hadii koorsda aad baranayso ay leedahay Mudo-xileed oo ah badanaa 3-4 sano inta udhaxaysa, marka ay muda koorsda dhamaanto oo aana lagali Karin imtixaankeeda oo ay howlgab noqoto ama waa koorso aan lahayn imtixaan balse Cilad farsamo ay kusoo baxdo waa laga saarayaa madasha Hurbad.com qaybta isdiiwaan galinta balse ardaygii horay uga diiwaan gashnaa waa ay ugu jiraysaa accountkiisa My Courses mana kabaxayso insha allah.
  8. Hirgalinta Hurbad! Waxaa qayb kanoqon kara arday kuxiran hurbad ee garanaya waxa owgalo iyo waxa ow gooyo hurbad. qofwalba kuma furana.
  9. Coupon Codes! Waxaa lagu adeegsan karaa hal account , halmar oo kaliya.
  10. Xogtaada! Maamulka Hurbad wuxuu ogaysiinayaa in ardayga ka diiwaan gashan madasha Hurbad.com, in uu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo hadii ow doonana inuu katidhikaro xogtiisa madasha Hurbad.com, Hurbad waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale, xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha llah.
  11. Xuquuqul Insaan! Hurbad waa madal eWaxbarasho oo la jaanqaadaysa sharciyada dunida udagsan ee ku aadan dhanka xuquuqul insaanka, Hurbad waxay utaagantahay hormarinta bulshada afsomaliga kuhadasha sida ay uga haqab tidhi lahayd baahidooda ku aadan barashada aalada computerka sidaas darteed waxaan Hurbad kusoo dhawaynaynaa dhamaan ardayda doonaysa ewaxbarasho ee kusalaysan sinaan, calaadad, afgarad, dulqaad, naxariis.
  12. Faahfaahin! Hadii ay jiraan wax suaal ah ood ka qabto qodobada kor kuxusan fadlan nagala soo xariir WhatsAPP +252615070785 ama Email noogu soo dir: [email protected]