Xeer-Hoosaadka Hurbad.com
Boggaan waxaad kahelee xeerarka Hurbad oo qoraal ah. Fadlan akhriso si aad ufahamto
- Beec Mahan! Koorsooyinka Kujira madasha Hurbad.com waxaa leh milkiyadooda Hurbad.com, ardaygu wuxuu xaq uleeyahay oo kaliya daawashada muuqaalada koorsada uu ka diiwaan gashanyahay gudaha website Hurbad.com ama Hurbad APP.
- La Dagis Waa Mamnuuc! Koorsooyinka Hurbad waa Dalbo oo Daawo Durbadiiba ama (Streaming Only) Loomana Ogola in ardaygu lasoo dago muuqaalada koorsada, waxa kaliya oo la ogolyahay in lala soo dago waa Course Materials sida Slides ama softwares ka lasocda koorsada si aad ugu shubato computerka, ama aad usoo daabacato slides ama eBooks haduu lasocdo koorsada, sida badan koorsooyinka hurbad.com waa practical ama iTUS oo mawataan buug qoraal ah.
- Hal Arday, Hal Account! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in aanan la ogolayn in la wadaago hal account. Hadii account kaaga aad ka gasho meel kale logout ayaa lagugu samaynayaa hadii la ogaado ama looga shakiyo in account kaas la wadaagayo waa laga saarayaa madasha Hurbad.com dignin la’aan. Waxaa shuruudaha kamid ah in uu ardaygu yahay mid baranaya koorsooyinka uu ka diwaan gashanyahay. Hadii uusan ahayn ardaygu mid baranaya koorsooyinka uu kadiwaan gashanyahay waa ay kaxirmayaan, waxaa kaloo laga rabaa ardayga in uu Profile kiisa saarto sawir ah Passport Photo 6×6 oo ah sawir wajiga ardayga si loo hubiyo haybadiisa, account kii aad lahayn sawirka ardayga waa la xirayaa..
- Hurbad Diploma!
- 4.1 – Ardayga dhiganaya Diploma Hurbad waxaa laga rabaa marka ow dhameeyo diploma oo ow shahaadada qaadanayo in kuu keeno aqoonsi sida Passport ama Driving lisence ama warqad sugnaasho ama warqad dhalasho, ama shahaado dugsi sare ee wadan ka ow joogo document giisa ah iyo sawir Passport Photo Size 6×6 Picture ah.
- 4.2 – Ardayga dhiganaya diploma hurbad waxaa laga rabaa inuu haysto aalad (Laptop) iyo internet joogto ah si ow u barto courses ka ay ka koobantahay diplomada, wixii qalab ah ee laga rabo waa in ardaygu soo iibsadaa wixii software ah school ka ayaa siinaya. Ardaygii Laga dareemo inuusan waxbarasho diyaar u ahayn ama waqti galiwaaya cashira ama laga dareemo fudayd, ama dagdag waa laga saarayaa diploma lacagtiisa waa loo celinayaa haduusan daawan laabo cutub wax kabadan ee koorsooyinka diplomada kamid ah, balse aduu koorso badan keed daawado lacag looma celinayo.
- 4.3 – Fee ga Diploma gorgortan magasho waa hormaris ama hadii aad bil bil u bixinayso iska hubi inaad kubixiso bilwalba 1 bisha ilaa 5 bisha inta udhaxaysa, ardaygii kadib dhaca 5 bisha waa laga saarayaa diploma waana la tirayaa account kiisaa digniin la’aan *balse hadii aad horay ulahayd account kahor inta aadan kusoo biirin diplomada lagaama tirayo account kaaga ee waxaa lagaa saari doonaa koorsooyinka aad kuheshay diplomada horayna aadan u iibsan diplomada kahor koorsooyinkaas*..
- 4.4. Fee ga Diploma celis malahan, hadii aad wada bixisay ama aad qayb bixisay.
- 4.5. Ardayga doonaya in cilad laga caawiyo waa inuu waqti gaar ah macalimiinta ama Hurbad Coaches la balamo, si loogu soo xirmo computer kiisa, Waxaan adeegsan doonaa RustDesk si laguu caawiyo ee fadlan hubi in software kaas ay kuugu jirto computerkaaga. Tablet ama Mobile Phone kaliya lama ogola in lagu barto koorsooyinka Diploma, waxaa shuruud ah inaad Laptop/Desktop Computer ah Google Chrome Browser aad adeegsato goorwalba ee ad soo gasho account kaaga, hadii aad adeegsanayso Hurbad APP fadlan hubi inaad browser login ka tahay APP ka marka aad Offilne ahaan uga daawanayso koorsada aad baranayso.
- 4.6. eWaxbarasho+ waa koorsooyin Muuqaalo ah oo wata macalin kula xisaabtamaya. mahan macalin si fogaan arag ama Zoom ah wax kuubaraya ama fasal online, ee waa Sel-Paced learning.
- 4.7. Adayga dhiganaya Diploma waa inuu raacaa talada macalinka oo asagu ma tashan karo oo barana karo koorsada oon doono.
- 4.8 Admin Fee ga Diploma waa inuu bixiyo ardaygu kahor inta aana imtixaanka laga qaadin, ardayda East Africa joogta waa $115m ardayda Dibadda joogta waa $160. Ardaygu marka ow usoo diyaar garoobo inuu galo imtixaanka diploma mudada 12 bilood guhadood ah ee diploma loogu tala galay ugu badnaan in lagu galo barto laguna galo imtixaankeeda ama raba inuu soo gudbiyo Diploma Projects si loogu saxo, waxaa laga rabaa ardaygaas inuu Admin fee ga soo bixiyo kahor inta uusan galin imtixaanka diploma. .
- 4.9 – Ardaygii Xiriir kiisa lawaayo ama WhatsAPP ka Fariimaha loogu diray kasoo jawaabi waaya mudo 7 maalin ah waa laga saarayaa Diplomada, sidoo kale mudada laguu qabtay inaad kusoo dhamayso koorsada hadii aad kusoo dhamayn wayso ama aad kusoo mugdib wayso projects ka ama hab-raac guud ee koorsada waa laga saarayaa diploma digniin la’aan. ilaa ow keeno cudur daar la aqbali karo mooyee.
- 4.10 – Marka ardaygu dhameeyo diploma exam keeda ow baaso waxaa loo daabacayaa shahaado iyo ID card aqoonsi ah inuu kasoo aflaxay madasha hurbad, shahaadada iyo ID card ka ardayga waxaa loogu gaynayaa wadanka ow joogo si delivery ah. East Africa ardayda joogta waxaa laga rabaa ardaygiiba $100 Oo shahaado + ID Card fee ah iyo $15 Delivery fee ah. Ardayga Joogta Europe iyo America waa lamid qiimaha shahaadada balse delivery fee ga ayaa ah $60. fadlan qorshaha ku darso in qarash kaas dheeraadkaa lagaa rabo marka aad dhamayso diplomada.
- 4.11 – Ardayga fee ga diploma iska yaryaraynaya waa inuu bixiyaa bilwaba biwlowgeeda 1-5 bisha payment plan ka ow doortay. Diploma lama xirto ee waa laga baxaa, ardaygii contract diploma kabaxa waa laga saarayaa diploma da, courses diploma da waa lagala noqonayaa, account kiisa waa la xirayaa inow koorsooyin hore haystay moyee kahor inta owsan diploma kusoo biirin ama kadib koorsooyin ow gaar u iibsaday haday jiraan acount kiisu ma xirmayo balse courses diploma da kaliya ayaa kabaxaya, hadii lagaa saaro diploma da inaad dib ugu soo noqoto lagaama yeeli doono waa inaad dib isku soo diiwaan galisaa sidii arday cusub.
- eWaxbarasho Macalin Malahan! Waxaan kaloo ardayga ogaysiinaynaa in waxbarashada madasha Hurbad.com uu bixiyo waa mid ah muuqaalo iyo qoraal ardayda uu iskiis isku barayo asagoo raacaya tilmaamaha muuqaalka, mana lahan meel loola laabto wixii suaal ah ama caawin ah ee ardaygu rabo, marka laga reebo ardayda dhigata Diploomooyinka, maxaa yeelay maahan fasal fogaan arag ah eWaxbarashada ee waa iska wax iskubar, hadii wax ugu adkaadaana iskaa uraadso (*Diploma), balse waxaa jiraa caawin guud oo ah qaabka adeegsiga madasha Hurbad.com ama sida loo barto koorsada ama software ama lab ka koorsda hadii error kaaga soo baxo waa lagaa caawinayaa, balse majirto ma fahmine macalinka aan Waco si uu iifahamsiiyo cashirka.
- Qiimaha! Qiimaha koorsooyinka kujira madasha hurbad.com waa is badali karaan xili walba, go’aan kaasna waa mid ugaar ah maamulka Hurbad.com.
- Halmar Dalbo, Waligaana Daawo! Dhamaan koorsooyin kujira madasha Hurbad.com waa halmar dalbo, waligaana daawo, balse Shuruud ayaa kuxiran oo ah hadii koorsda aad baranayso ay leedahay Mudo-xileed oo ah badanaa 3-4 sano inta udhaxaysa, marka ay muda koorsda dhamaanto oo aana lagali Karin imtixaankeeda oo ay howlgab noqoto ama waa koorso aan lahayn imtixaan balse Cilad farsamo ay kusoo baxdo waa laga saarayaa madasha Hurbad.com qaybta isdiiwaan galinta balse ardaygii horay uga diiwaan gashnaa waa ay ugu jiraysaa accountkiisa My Courses mana kabaxayso insha allah.
- Coupon Codes! Waxaa lagu adeegsan karaa hal account , halmar oo kaliya.
- Koorso Badalis! Waxaa laguu badali karaa koorso hadii aadan daawan 5 cashir iyo mudada aad iibsatayna aysan dhaafin 14 maalin.
- Xogtaada! Maamulka Hurbad wuxuu ogaysiinayaa in ardayga ka diiwaan gashan madasha Hurbad.com, in uu xaq uleeyahay in xogtiisa loo asturo hadii ow doonana inuu katidhikaro xogtiisa madasha Hurbad.com, Hurbad waxay balan qaadaysaa in aysan lawadaagayn xogta ardayga shakhsi ama shirkad kale, xogta ardayga waa amaano waana asturaynaa insha llah.
- Xuquuqa Ardayga! Hurbad waa madal eWaxbarasho oo la jaanqaadaysa sharciyada dunida udagsan ee ku aadan dhanka xuquuqul insaanka, Hurbad waxay utaagantahay hormarinta bulshada afsomaliga kuhadasha sida ay uga haqab tidhi lahayd baahidooda ku aadan barashada aalada computerka sidaas darteed waxaan Hurbad kusoo dhawaynaynaa dhamaan ardayda doonaysa ewaxbarasho ee kusalaysan sinaan, calaadad, afgarad, dulqaad, naxariis.
- Faahfaahin! Hadii ay jiraan wax suaal ah ood ka qabto qodobada kor kuxusan fadlan nagala soo xariir WhatsAPP +252615070785 ama Email noogu soo dir: [email protected].

