Marqaatiga Nool (Testimonials)
Ardayda Hurbad Maxeey Dhaheen?
Whatsapp Chat
Halkaan nagala soo xiriir

Halkaan ku qor fariintaada
Support Agent
Mohamed Hirsi
Available from 08:00 AM - 12:00 AM

Hi, I am interested in your products and services,
Support Agent
Abdikariim Hassan
Available from 08:00 AM - 12:00 AM

Halkaan ku qor fariintaada
Technical Support
Abdirizak Hersi
Available from 08:00 AM - 09:00 PM
Mahad-celin kusocota bahada hurbad, gaar ahaan macalin Abdirizak Hersi.
Bishii kobaad ee sandakan 2021 anigo social mediaha iska dhex dabalamnaya Ayaan waxaan arkay (Hurbad Institute of Technology). Isla markiiba waan iska qoray, madaama aan aad ujeclaa barashada cilmiga computerka, markiiba waxaan doortay koorso kamid ah koorsooyinka aan aad uxiisaynayay oo ah, (Microsoft Certified Azure Fundamentals).
Waxaa aad isoo jiitay course introductionka macalin Abdirizak, isla markiiba waan bilaabay barashada koorsada, caadiyan koorsadu ma sahlana, lakin markii aad wax ku baranaysid luuqad aad 100% fahmayso waxaa lagaaga baahanyahay kaliya dadaal iyo rabid. Schoolka markaad wax ka baranaysid wax walbo waa theory,waqti badan ayayna kaa qadanee, lakin macalimiinta Hurbad waxay wax kuu baranayaan si practice ah, yacni waxay ku tusayaan waxaad samayn lahayd markaad joogto goobtaada shaqada.
Intaas kalia kuma ekee, waxaa kaloo Hurbad school caadi ah uga duwantahay, casharada koorsooyinka oo dhan way duubanyihiin oo markaad doonto iyo meshaad doonto ayaad ku baran kartaa, casahrada schoolku ma duubna oo macalinku daqiiqado kooban ayuu sharaxaad yar ku siinayaa, lakin hurbad wax walba waa duubanyihiin, hadada imtixaanka kudhacdid waad kunoqon kartaa. Mudo bil iyo bar gudahood ah ayay igu qaadatay inaan ku guulaysto qaadashada koorsada kor kuxusan waliba qaymo aad ujaban Ayaan kuhelay Course iyo exam, $10 koorsada Ayaan kubartay, $15 doolar exam Ayaan kugalay 24/2/2021, lakin waan kudhacay, hadana 28/2/2021 ayaan mar labaad imtixaan galay waan ku guulaystay waliba pointskii layga rabay kabadan Ayaan keenay, waxaa layga rabay 700 points lakin 805 score Ayaan sameyay. Marka waa guul taariikhi ah inaan $40 doolar iiga baxday koorsada iyo labadii imtixaanba.
Ugu danbayn waxaan kula talinayaa dhalinyarada (wiilal iyo gabdho) iyo xataa dadka waawayn, inay Hurbad ka faa’iidaystaan, sababtoo ah barayaasha hurbad waa dhalinyaro maskax furan kaana dhigi kara engineerka mustaqbalka,Hurbad lagaagama baahna inaad shan maalin school aado, ee maalin walba markaad shaqadaada kasoo baxdo kadib ayaad halsaac ama 2 saac si online ah wax ubaran kartaa: hadaadan waligaa xataa IT baran hada ayaad bilaabi kartaa, waxaan hubaa in mudo 2 sano gudahood ah aad IT professional kunoqon kartid, waayo luuqada aad wax ku baranayso waa luqadaadii hooyo oo aad 100% fahmayso.

Assalamu alleikum, salan kadib Waxan halkan uga Mahad celinayaa dhaman Hurbad institute macalimimta u hurtay waq tigooda ineey bulashada somaaliyed aqoontooda uga fa’ideeyaan, Waxan ka qaatay dhowr course Hurbad oo ugu dambeesay Ethical hacking, waxan aad ugu mahad naqaya macalin Abdirizaq inuu noo sahlay course lagu dhigo Uk universities qiima dhan £ 9,400 inuu intuu noogu sharaxo Afkeena hooyo hadana qiima aad u yar uu shacabkiisa somaliyed u duubay, walahi magaran karo waxan ugu abaal gudo Hurbad iyo macalimiinta oo dhan, waxay naga mudan yihiin Billad Dahab meesha ay uga soo baxeen wallaa lahooda somaaliyeed meelkasta ay dunida ka joogan.

Asc, anigoo ah Anas Ugaas Barre waxaan halkaan ka salaamaya dhamaan bahda Hurbad macalimiin iyo ardayba, waxaan ka mid ah ardayda wax ka barata machadka Hurbad qeebta e-learning ka, run ahaantii wxaan Hurbad kusoo biiray 27/8/2020 anigoo waxba ka aqoonin cilmiga computer ka wxaan qaatay course-da 1aad ee ah Compatia fodomentail+, wxaa ii furfurmay maskaxdeyda waxaana wax badan ka ogaaday cilmiga computer ka iyo qeebihisa kala duwan, waxaan qaatay shahaado certificate ah, Alxamdulillah hada waxaan ahay qof wax badan ay u bilaaban yihiin, waxaana sii wadayaa dadaalkeyga ilaa aan ka gaaro hadafka aan leeyahay, waxaana ku xijinayaa course da ku xigta, waxa aan halkaan ugu mahad celinayaa dhamaan macalimiintayda qaaliga oo sida wanaagsan oo quruxda badan noogu soo gudbiyay casharada wxaan leeyahay cimrigiina allah barkeeyo horayna usocda oo sii wada dadaalka aad u heesaan ardayda soomaaliyeed.
Ardayda walaalahayga ah waxaan ugu baaqayaa inay ka faa'ideestan fursadaan qaaliga ah oo ay hormariyaan cilmigooda.
Mahadsanidiin.
Anas Ugaas Barre
HURBAD STUDENT
Asc anigoo ah Ali Abdullahi Hassan waxaan halkaan kasalaamaa dhamaan intii ku hooshan in ay waxabaraan qofwalboo jecel waxbarasha gaar ahaan waxaan umahadcelinayaa hurbad oo ah hooyada aqoonta aduunka waxaan kale oo halkaan kacadeynayaa in aad iyo aad aan ugu qancay sida wax la iibarayo masha allah, waan ku qanacsanahay sida aad dadka wax ubaraysaan ilaahey ha idin xafido, waxaan soojeedinaa hal talo oo ah qofka marka uu koorsada dhameeyo in imtixaan laga qaado sida aniga hada waxaan dhameeyay Hurbad English level 1 Semester.
mahadsanidiin hurbad hooyga wabarashada libaaxyada thanks

Dabcan waxan ku jira ardeyda hadda wax ka barata Hurbad, waxan halkan ka dhiibanaya fikirkeyga ano ku saleynaya qaabkan uga faa iideystey hurbad
Dabcan wali ma arkin website Af-soomaali ku baxa misana casharadiisuna yahy Itus oo itaabsi, waxan aadka ugu bogey baa ah iney dhalinyaro somaliyed oo wax so bartey misana dib ugu so celiyaan dalki iyo dadkiba , dhab ahanti qiimaha wax lagu bartana waa mid aan is dhihi karo aad buu ugu jaban yahy ardeyda si walba oo duruuftodu tahy
waxa dhawr sano ku so bartey bn 2 asbuuc kaliya kaga faa iido badna xaqiiqdi
Gabo gabo
Barayaasha Hurbad waxan lee yahy halkas ka sii wada mardhaw baad arki doonta iyado dhihi doono ma Jaamacad Hurbad waan sidan rajeynayo insh allah
Mahad sinidin Barayaal
Alle cimrigina,
camalkina,
cilmigina,
caafimadkina
iyo cibaadadiinaba ha idiin barakeeyo

Hurbad Institute of Technology website in badan i caawiyay, haddi anu nahay ardayda somalida e e dhigta faculties Technologyda caqabada u wayne e na haysata wx weye luuqada English ah e ay ku qorontay Technologiyadu, Hurbad wa website ka qudhe e Somali nogu sharaxay wxy naga caawisay inan si sahlan ku fahano courses o dhan , wxn ka qaatay website courses badan gaar ahaan wakhatigi Covid_19 e guryaha lagu jiray ayaan aad uga faaideeyay kaaso aan si fcn u fahmay casharada iyo waliba qiime macquule ah an ku dhigtay.

Magacyga waa mukhtar Hassan
Aniga ITga qaybihiisa kla duwan waxaan aaad u xiiseeya cilmiga networking.ka meelo badman oo wadanka ka mid ah ayaan ka qaaty lkn waa fahan gud aad umay badneyyn
Goortan hurbad kusoo biray wallhi waan yaabay markaan arkay in naloo dhigayo company.yada soo saary exam.yadooda sida CICCO&MICROSOFT Wallhi wan layaabay waliba lagu turjumayo afkeena hooyo
Sida darted ayaan isku dayaa ardayda Aan wax la dhigto ayaan la share gareya
