Network Engineer

Xogta Learning Path-ka

Network Engineer qofka ah wuxuu maamulaa Network-ga shirkada guud ahaan, shaqooyinka ow qabto waxaa ka mid ah; dhisitaanka network cusub, casriyaynta qalabka network-ga sida routers iyo switches, xalinta iyo ka hortaga ciladaha network-ga sida kuwa wired ah ama kuwa wirelless-ka ah. booqashada dhimayaasha shirkada iyo hubinta isku xirnaashaha network-ga shirkada, Qorshaynta miisaaniyada dhaqaale ee ku baxaysa qalabka lagu soo kordhinayo Data Centre-ka shirkada, naqshadaynta network-ga iyo fulinta mashruucyada cusub.

Mushaarka lagu shaqeeyo bishii USA/UK: $5,100*

Mushaarka lagu shaqeeyo bishii Somalia: $650*

*waxay ku xirantahay inta sanno ood khibrad shaqo leedahay mushaarka aad ku shaqo bilaabayso, balse waxaan kasoo qaadnay inta ugu yar ee lagu shaqeeyo, khibradaadu haday badantahay mushaarkaaku waa kabadan yahay intaas.

Network Engineer

Network Engineer Jobs

Koorsooyinka lagu noqdo Network Engineer

Network Engineer-ka waxaa kaloo looga baahanyhay inuu leeyahay, xirfadaha shaqsiyeed sida, wadashaqaynta xubnaha waaxda, qaadista masuuliyadaha soobaxa, cod karnimo, daganaasho iyo dabci wanaag.

CompTIA N+ waa koorso lagu baranayo aas aaska Computer Networking oo dhan.

4.9
4.6/5

Koorsadaan waa CCNA cusub Exam number keeduna waa ( CCNA 200-301 )

5
5/5

Koorsadaan waxaa lagu baranayaa
Core exam ka CCNP da cusub ENCOR.

4.5
4.5/5