Horudhac Guud ee Windows Server 2016 iyo sida Installation loogu sameeyo.

Dulmarka Cutubka

Marka waxaad go’aansatay inaad barato Windows Server 2016, waxaa lagaaga baahan yahay in aad fahanto teknolajida cusub ee lagu soo daray Windows Server 2016.

Cutubkaan waxaad ku baraneeysaa nuucyada kala duduwan oo Windows Server 2016, ku soo baxo iyo sida loogu sameeyo Windows Server 2016 Installation, labada nuucba oo kala Ah Windows Server 2016 Desktop Experience iyo Server Core.

Waxaad kaloo ku baraneeysaa cutubkaan sida loo qorsheeyo server Installation ka, iyo istiraatiijiyada sida markii laga guurayo Server horay loo isticmaalin jiray oo loo guurayo Server Cusub.

Waxaad kaloo kubaranee qeeybaha danbe ee cutubkaan sida loo doorto Windows Server activation model ka ku habboon kombaniga isticmaalin doona Server kaan.

Ujeeddooyinka

Markaad dhammayso cutubkan, waxaad awoodi doontaa:

  • In aad qeexdo tilmaamaha cusub ee Windows Server 2016.
  • In aad Diyaarso isla markaana aad sameeyso Desktop iyo Server Core Installation.
  • In aad Qorsheyso server upgrade iyo migration strategy
  • Waxaa kaloo sameeynee Sida looga guuro Server Hore loona guuro Server Cusub.
  • Xulo Windows Server activation model ka kugu habboon.

Ogaanshaha awoodaha oow leeyahay Windows Server 2016 waxa ee kuu saa maxeeysaa in aad u isticmaasho sida loogu talagalay Windows Server ka. Qaar ka mid ah horumarinada badan ee lagu sameeyay Windows Server 2016 ayaa waxaa kamid ah in lakordhiyay scalability iyo performance, sidoo kale waxaa aad loo hormariyay Virtualization ka lasocda Windows Server 2016 iyo management tools.

Waxaan kaloo ku barandoonaa cashirkaan Astaamaha cusub iyo awoodaha oo layimaado Windows Server 2016 aar ahaan computer iyo storage space iyo siyaabaha kala duwan ee loo sameeyo Windows Server 2016 Installation.

Xulashada Windows Server 2016 edition

Waad dooran kartaa mid ka mid ah dhowr ka editions oo ku yimaado Windows Server 2016.

Editions ku waxaa ee kuu fududeeynayaan in aad doorato nuuca ku haboon shaqada aad dooneeyso in aad ku qabato Windows Server 2016. Hadii aadan dooran Edition ka ku haboon shada aad rabto in oo server ku kuu qabto waxa aad dhacaya in oo server ku wadan teknolad jida aad rabto in aad isticmaasho ama oow wato teknolagi badan aadan u baahneeyin, markastaana qarash ka laga bixinayo Server Licence ku waxa eek u xirantahay Windows Server Edition ka aad dooratay.

Shaxda hook u tixan waa nucyada kala duduwan ee Windows Server 2016 oo ku yimaado:

Windows Server 2016 Essentials

Windows Server 2016 Essentials edition waxaa loo soo saaray in lagu isticmaalo Gooba ganacsiga aanan weeyneeyin, oo waxa uu badalay waa Windows Small Business Server.

Essential Edition waxa oow ogolaanayaa ilaa 25 User iyo 50 devices in lagu isticmaalo halkii Licence ba. Essential Edition waxa oo qaadan karaa Labo processor cores iyo ilaa 64 gigabytes (GB) oo random access memory (RAM) Ah.

Windows Server 2016 Standard

Windows Server 2016 Standard edition waxaa loo soo saaray in lagu isticmaalo Physical Server environments sababtoo ah Standard edition ku Virtualzation teknology ga sifiican ulama shaqeeyin karo. Balse wuxuu wataa teknolojiga Windows Server 2016 layimaada badan kood. Waxa Kaliya oonan la soconin waa teknology da cusub sida Storage ka iyo Network ga lagu soo kordhiyay. Stanadard Edition ku waxa uu qaadan karaa ilaa iyo 64 sockets oo CPU gu galayo iyo 4 TB oo RAM Memory Ah.

Windows Server 2016 Datacenter

Windows Server 2016 Datacenter edition waxaa loo sameeyay in oow ku shaqeeyo datacenter ka sabato too ah wuxuu aad ugu horeeyaa Datacenter edition ku waa Virtualization teknolaji ga oo waxaa loogu tala galay in lagu isticmaaloo private cloud iyo hybrid cloud environments. Datacenter edition ku waa kan ugu awooda badan Windows Server 2016 oona u dhameeyistiran yihiin wixii teknoloji ah oo layimaada Windows Server 2016 guud ahaan.  Datacenter Edition ku waa kan la isticmaalo haddi larabo in laga faa’iideeyisto awooda oow leeyahay Windows Server 2016. Datacenter Edition ku waa kan aan isticmaalin doono markii aan sameeyneeyno Practical ka. Datacenter edition ku waxa uu qaadan karaa ilaa iyo 64 sockets oo CPU gu galayo iyo 640 processor cores, sidoo kale wuxuu qadaanan karaa ilaa iyo 4 TB oo RAM Memory Ah. Datacenter edition waa nuuca kali oo Windows Server 2016 oo wata teknolajiyadaan Storage Spaces Direct,  Storage Replica, Shielded Virtual Machines iyo  software-defined datacentre.

Windows Hyper-V Server 2016

Waa virtualization server kuu siinaya awood in aad ugu shubto kombuyuutarka sida loo yaqaano Bare Metal ( Hypervisor Type I ), kadibna waxaa ku dul abuurin kartaa virtual machines ilaa iyo inta aad rabto. Wuxuu layimaadaa virtualization teknolaji ga cusub oo lagu soo daray Windows server 2016, Host Operating system ku waa bilaash oo Licence ku lacag maahan balse Virtual Machine ka aad ka dhex abuureeysid ayaa lagaaga baahan yahay in aad usoo iib sato Licence aad ku isticmaasho. Wuxuu qaadan karaa ilaa iyo 64 Socket oo CPY ga ah, iyo 4 TB oo RAM Memory ah. Microsoft Hyper-V Server 2016 ma oow wato wax Graphical User Interface (GUI) ah, wuxuu kaliya oo wataa waa User Interface (UI) oo kuu ogalaanayo in aad ku qabato shaqo xadidan.

Windows Storage Server 2016 Server

Windows Storage Server 2016 Workgroup edition ku waa nuuca ugu hooseeya markii larabo in loo isticmaalo Server ka si Storage Management ah. Wuxuu kuu ogalaanaa ilaa iyo 50 User in eey u soo xirmaan, iyo wuxuu kaloo Hardware ahaan uqaadan karaa Hal processor core, iyo 32 GB oo RAM ah. Wuxuu ka mid noqon karaa waa Domain ka.

Windows Storage Server 2016 Standard edition

Windows Storage Server 2016 Standard edition waa midka ugu badan ee loo isticmaalo storage management ga Windows Server ka, waa hadii ba loo isticmaalo. Balse wuxuu Hardware ahaan uqaadan karaa 64 sockets, iyo 32 GB oo RAM ah. Wuxuu ka mid noqon karaa waa Domain ka. Waxa uu matalin karaa Server Roles sida Domain Name System (DNS) iyo  Dynamic Host Configuration Protocol (DHCP) server roles, balse ma noqon karo Active Directory Domain Services (AD DS), Active Directory Certificate Services (AD CS), ama Active Directory Federation Services (AD FS).

Shuruudaha Hardware ka ugu yar ee Windows Server 2016

Shuurada Hardware ka ugu yar oow ku shaqeeyin karo Windows Server 2016 waa kuwaan hoo noogu qoran, waxa eey ku xirantahay shaqada lagu qabanayo.

  Component  Requirement
Processor architecture64-bit
Processor speed1.4 gigahertz (GHz)
RAM512 MB
Hard drive space32 GB

Markii lagu isticmaalayo Windows Server 2016 Desktop Experience ahaan waxaa ugu yar 4GB oo RAM memory ah iyo wixii ka badan si oow u shaqeeyo Operating System ku.

Hadii aad Windows Server 2016 installation ku sameeyneeysid Virtual Machine waxaa ugu yar oo lagu sameeyin karaa Installation ka waa Hal processor core iyo 512 MB oo RAM ah. Balse kuma guuleeysaneeysid in aad dhmeeyistirto Installation ka sababto ah Operating System ku wuxuu isticmaalaa RAM Memory badan in eey socoto Installation, waxaad sameeyin kartaa in aad ubadiso RAM Memory ga in eey socoto Installation, kadib markaad dhameeyso waxaad dib u soo celin kartaa 512 MB.

Maadaama aan soo araganay inta ugu yare e lagu isticmaalin karo Windows Server 2016, hada waxaa eegeeynaa inta Hardware ahaan ugu badan ee Server 2016 oo qaadan karo.

  Component  Requirement
Processor architecture512 logical processors (LPs) hadii Hyper-V oo ku installed gareeysan yahay.
MemoryIlaa iyo 24 terabytes per host server iyo ilaa 12 terabytes halkii virtual machine ba.
VHDX sizeIlaa iyo 64 terabytes.
Virtual machinesIlaa iyo 1,024 halkii host server.
Virtual machine processorsIlaa iyo 240 halkii virtual machine

Fiiro Gaar Ah:

Intel processors waxa eey la imaadaan teknolaji loo yaqaano hyperthreading taas oo awood u siiyaneeysa  in single core oo qabto labo shaqo oo isgarab socota markii lagu isticmaalayo Hyper-V. Waxaa loo tixgaliyaa Intel processor in halkii Core ba oo wato labo logical processors (LPs) markii oow lashaqeeynayo Microsoft Hyper-V. Hadii Hyper-V gu oow daaranyahay waxa oo isticmaalaa waah al Core. Sidoo kale AMD Processors waa ee layimaadaan Dhowr Core halkii core na waxa uu lamid yahay waa hal logical processors (LPs).

Fiiro Gaar Ah:

OSE oo loo gaabsaday operating system environment (OSE) waa kalmad cusub eey Microsoft isticmaasho ayaan taan markeey tilmaamayaan Windows ka ku jira computer ka, computer kaas oo noqon kara mid Physical ah ama Mid Virtual ah. Hadii marka hal server oo Hyper-V ah oo daaran yahay waxaa Micorosft u xisaabinee si hal OSE oo yahay Physical Machine ku mida lagu dul abuurayo oo ah Virtual Machine kuna oo yahay hal kale.

Dulmar guud nuucyada loo sameeyo installation ka:

Marka aad rabto in aad sameeyso Windows Server 2016 installation labo nuuc ayaad u sameeyin kartaa, labadaas oo kala ah:

Windows Server 2016 with Desktop Experience.

Instalation ka markii loo sameeyo sidaan waa Full Server Installation oo wuxuu wataa graphical management interface dhameeyistiran, waxa uuna lashaqeeyin karaa dhamaan Windows Server roles ka la yimaada.

Windows Server 2016 with no Desktop Experience

Windows Server 2016 waxa oow u dhigmaa Server Core oonan wadanin wax graphical management interface kuna shaqeeynaya oo kaliya command-line

management interface.

Sida loo maaamulo Server ka ayda oonan la korfadhin

In lamaamulo ayadoo la kor fadhiyo Windows Server 2016 ma ahan mid eey Microsoft kula taliso System Administators ka shaqadoodu tahay in eey maamulaan Server ka. sababtoo ah Windows Server core installation kiisa markaad dhameeyso waxaad sameeyin kartaa oo kaliya waa Network iyo Firewall Configuration ka in aad saxdo oona u ogolaato Server kaan in loogu soo xirmo Remotely , kadina waxaa u maamulin kartaa Server ka si Remote ahaan ah, oona laga wado in aad maamusho Server ka adiga oonan markaas dul fadhin.

Sida ee Microsoft doorbido in lagu maamulo server ka waa remotely aya doo la isticmaalayo Remote Server Administration Tools (RSAT) oona lasocda Windows 10. RSAT waxaa lasocdo tools ka loo baahanyahay in lagu maamulo Server ka sida Server Manager, Active Directory Administrative Center, iyo  management consoles.

Waxaad sameeyin kartaa in aad kasaarto computer kaaga hadii aadan rabin in Tools kaan aan kor ku xusnay adiga oo tagaya Turn Windows features on or off oo aad kahelin kartid Control Panel.

Server Manager

Server Manager waxa uu kamid yahay tools ka lagu maamulo Windows Server 2016 Desktop Experience, ama Server Manager ka waxaad ku isticmaalin kartaa Windows 10 RSAT Tool. Server Manager ku waa Graphical User Interface ka ugu badan oo laisticmaalo sida loo maamulo Windows Server 2016. Server manager ka waxaa kasii maamulin kartaa Server kale oo kaafog, aad ayuuna kuugu fududeeynayaa in aad Servers ka kaafog aad ku Shubto Roles and Features looga baahan yahay in eey wataa. Server kaasu oo waxa eey oolin kartaa xitaa wadan kale oo qasab maahan in Server ku wadan ama isku qaarad oo yaalo aad adigu joogto.

Windows PowerShell remoting and PowerShell Direct

Waad isticmaalin kartaa Windows PowerShell sida aad u maamusho Windows Server 2016 Remotely, adiga oo markaas isticmaalaya Windows PowerShel cmdlet ama scripts. Windows PowerShell wuxuu aad kuugu fududeeynaa shaqooyin ka soo laalaabta sababtoo ah waxaad isticmaalin kartaa waa script oo automatic kuugu qabaneeysa shaqooyin kaas oo dhan halmar.

Remote Shell

Windows Remote Shell (WinRS) waa command-line tool awood kuu siinaya in aad commands u dirto Server kaafog balse shuruuda looga baahan yahay Server ka kaafog ayaa waxa eey tahay in oo lashaqeeyin karo Windows Remote Management (WinRM).

Remote desktop

Sidoo kale waxaad ku maamulin kartaa Windows Server 2016 si remote desktop ah oona lamid ah in aad kor fadhidid oo kale, sida aadba magaca ka dhadhan saneeysidba. Server core markii aad rabto in aad ugu soo xirmato remote ahaan waa in aad isticmaahaa command gaan Sconfig.cmd

Group Policy

Waad ku maamulin kartaa Group Policy Server Core ama Full Installation Windows Server 2016, sida loogu maamulin karoba computer kii wata Windows Operating System.

Firewall settings

Microsoft Management Console (MMC) iyo tools ka kale oo loo isticmaalo remote server management waxa eey ubaahan yihiin sida eey u shaqeeyaan waa Distributed Component Object Model (DCOM). Xitaa Server Manager, markii lagu maamulayo Windows Server 2008 oonan wadanin Windows Management Framework updates wuxuu ubaahan yahay in lagu shubo DCOM.

Adeegsiga Windows PowerShell 5.0 si loomaamulo Servers ka

Windows PowerShell 5.0 waa scripting language iyo command-line interface loogu talagalay in oo kaa caawiyo shaqooyinka maamulka ah ee maalin kasta soo laalaabta loona yaqaano (day-to-day administrative tasks).

Windows PowerShell cmdlets waxaa lagu dul isticmaalaa waa Windows PowerShell command prompt ama labadooda oo la isku daray oona loo yaqaano Windows PowerShell scripts. Horay sida aan u soo sheegnay Windows PowerShell waan ku maamulin kartaa Server aadan kor joogin markaas, sida Headless Server oo laga wado Server aanan wax Graphical User interface ah wadanin sida Server Core ka oo kale.

Importing modules

Qaar kamid ah PowerShell Modules ku kuma eey jiraa PowerShell balse waxaad sameeyin kartaa in aad ku shubato markii aad ubaahato isticmaalkooda adiga oo kasoo shubanaya Windows PowerShell library. Hadii aad rabto in PowerShell oo kuu qabto shaqo khaas ah oonan aheeyin shaqooyin ka soo laalaabta maalin kasta waxaan isticmaalin kartaa PowerShell Module kuu fududeeynaya shaqadaas hadii oowsan ku jirin computer kaas waxaad sameeyin kartaa in aad ku shubatid Package kaas oow modules ku kamid yihiin.

Windows PowerShell remote management

Waad ku isticmaalin kartaa Windows PowerShell cmdlet computer kaafog waxaana looyaqaanaa Remoting. Windows PowerShell remoting in oow shaqeeyo waxa eey ku xirantahay WinRM Server in oow kujiro daaranyahayna computer ka kale ee lagu xirmayo. Hadii oowsan ku xirin computer ka kale waxaa ka dhigin kartaa enable oo laga wado waa daarin kartaa adiga oo qoraya cmdlet kaan Enable-PSRemoting. Sidaani waa sida ugu sahlan ee loo maamulo si toos ah computer kale.

PowerShell Direct

Network administrator ku waxa eey markasta doorbidaan in Server kooda oo dhan eey kadhigaan Virtualized servers. Marka hadii server kii dhan yihiin Virtual Machine waxaa loo baahanyahay sidii ugu sahlaneed oo loo maamulin lahaa. Sidaa darted ayaa Microsoft waxa eey lasoo saartay Windows iyo Windows Server 2016 in eey lashaqeeyaan technology cusub oo loo yaqaano PowerShell Direct.

PowerShell Direct waxa eey awood kuu siinee in aad ku isticmaasho Windows PowerShell cmdlet ama script gudaha virtual machine adiga oonan markaa virtual machine ka si toos ah u iticmaaleeyin ee isticmaalaya Host Operating System, mana ku xirna in Network ama Firewall configuration ku saxan yahay.

Adiga oo kor fadhiya host OS ka ayaad isticmaalin kartaa PwerShell Direct:

Enter-PSSession -VMName

Markii aad ku xiranto computer ka kale waxaan isticmaalin kartaa PowerShell cmdlet ka sidii adiga oo korfadhiya.

Fiiro Gaar Ah:

Waxaa lagu weeydiinayaa in aad is cadeeyo qofkaad tahay (Authentication) adoo isticmaalaya Username iyo Password oo yaqaano guest operating system ama Virtual Machine ka.

Windows PowerShell Desired State Configuration (DSC)

Windows PowerShell DSC waa dhowr Windows PowerShell extensions, cmdlets, iyo  resources caawinaya markii lagu sameeynayo configuration computer kaafog, cmdlet ka la isticmaalayona waa command la isku ogyahay oo lasoo xulay.

Faahfaahin dheeraada oo ku saabsan Windows PowerShell DSC waxaan ku baran doonaa dhamaadka buugaan.

Maxaa lagu soo kordhiyay Server ka kadib markii oo soo baxay Windows Server 2008?

Windows Server 2016 waxaa lagu soo daray technology badan markii loo barbar dhigo Windows Server Operating Systems kii kahoreeyay. Technology da cusub qaarkood waxa eey lasoo baxeen waa Windows Server 2012 iyo Windows Server 2012 R2, balse qaarkood technology daas cusub waxa eey khaas u tahay oo kaliya Windows Server 2016.

Technology da cusub ama lacasiryeey oo lasoo baxday Windows Server 2012 ama Windows Server 2012 R2 waa kamid ah:

Work Folders

Work Folders waxa eey fududeeyeen in dadka ushaqeeya company ga Files koodu daba socdaan meelkasta eey kasoo galaan Network ga.

DHCP failover

DHCP failover waxa eey awood kuu siinee in aad labo DHCP server oo haya labo DHCP Scope oo isku mida ee kajiraan network ga. Lacala hadii mid kamid ah labadooda oo halaabo midka kale ayaa lawareegaya shaqada ayad oonan ladareemin.

IP Address Management (IPAM)

IPAM waxa oo aad u fududeeyay sida loo maamulin lahaa IP address infrastructure ka company gu ku isticmaalayo networking kooda. Sidoo kale IPAM ka waxaa ka maamulin kartaa DHCP iyo DNS ka.

Dynamic Access Control

DAC waxa eey aad u hormarisay File sharing ama Folder sharing Security ga company gu oow leeyahay. DAC waxaad ku dabaqin kartaa in eeysan dadka loogu tala galin data in eey arkaan eeysanba ogeeyin in eey jirto Data daas, adoo ku qeein kara Security gaas Shaqada oo qofkaasi qabto.

Data deduplication

Waxaa dhicin karta mararka qaarkood in data da dhowr jeer lagu qoro Hard Drive, marka waxaa lasocday Windows Server 2012 wixii kadan beeyay waxaa Data deduplication oo ka raadineeysa wixii soo laalaabatay oo data ah Hard Drive ka, hadii laga helo data soo laalaabatay waa laga tirayaa Hard Drive ka oo markasta waxaa lagu reebayaa Hard Drive ka waa hal file oo qudh ah. Sidaa darted ayaa waxaad u keeydin kartaa data badan maa daama eeysan soo laalaabaneeyinin data du.

Storage Spaces

Storage Spaces waxa oo ku saleeysa yahay Virtual Hard Drives sidaa darted ayuu faaiidooyin badan leeyahay sida qiimo jaban, Markasta helin karo, iyo inla kordhin karo baaxada. Waxaa kaloo jira Storage Pool oo ka kooban dhowr Physical ama Virtual Hard Drive oona ushaqeeyin kara sidii hal Hard Drive oo kale oo laga sii dhex abuurin karo Partitions..

Storage tiers

Data du waa dhowr nuuca oo lookala saaro data markasta la isticmaalo iyo data aanan badneeyin iticmaalkeedu, marka data aanan badneeyin isticmaalkeedu waxaa si automatic ah loogu wareejiyaa Storage ka aanan xawaarihiisu badneeyin sida HDD.

Better support for domain controller virtualization

In kastoo company yada badankood eey isticmaalin jireen virtualized domain controllers sanado badan markasta waxaa aad u hooseeyay kalsoonida laguqabo Virtual Domain Controller sababtoo waxaa badanaa halowgiisa. Balse wixii kadanbeeyay Windows Server 2012 hormar badan ayaa lagu sameeyay sidaa darted ayaa ciladuhu u yaraadeed dhan Virtualized Domain Controllers ka.

The ability to clone virtual domain controllers

Horay waligeed uma jiran in aad koobiyeeyin karto Virtual Domain Controller si dhameeyistiran, oo isla markaasna aad isticmaalin kartid aya oonan wax ciladuhu ka imaanin, balse waxa ka danbeeyay Windows Server 2012 aad baa loo hormariyay. Faahfaahin dheeraad ahna waxaa ku baran doonaa cutubka Hyper-V ga aan ku baraneeyno.

Fiiro Gaar Ah:

Hada intaan kor ku xusan ma ahan tiro dhameeyistiran oo Feature kii lasoo baxay Windows Server 2012 or Windows Server 2012 R2, hadii la isku dayo in ayaga dhan lawada qoro boog dhameeyistiran ayeey noqonayaa, sidaa darted baan usoo qaatay kuwa ugu muhiimsan.

Hormarka Cusub oo lagu soo bandhigay Windows Server 2016

Qeeybaha hoose waxa aan ku sharaxeeynaa technology da cusub iyo mida hormarka lagu sameeyay ee lagu soo daray Windows Server 2016 waxaana kamid ah.

Windows Server containers and Hyper-V containers

Containers ku waxa eey kuu saamaxayaan in aad Apps kaaga iyo Operating System kaaga kala soocdo. Waxa eey aad u hormariyeen waxaa kamid ah Security ga, iyo kalsoonida lagu qabo Applications ka la isticmaalayo. Windows containers lasocda waa eey kala soocanyihiin oo mid midkale og ma jiro waxaana la adeegsan karaa Operating systems kala duduwan. Hyper-V containers waa eey sii talaabeen oo waxa eey ku jiraa waa Virtual Machine oo eey isla markaasna kuusii kala soocayaan Apps ka iyo Operating System ka.

Docker

Docker waa technology aad ku maamulin katid containers ka. Inkastoo Docker markaad maqasho aad isleedaha waxaa laga hadlayaa Linux, balse Windows Server 2016 waa uu lashaqeeyaa oo waxaad ku maamulin kartaa Windows Containers iyo Hyper-V Containers. Nuuca ugu danbeeyay Docker Enterprise Edition oo lagu isticmaalinkaro Windows ka si bilaash ahaan ah ayaad u isticmaalin kartaa adiga oo ku shubanaya Windows Server 2016 Machine kaaga.

Rolling upgrades for Hyper-V and storage clusters.

Hormarinta lagu sameeyay Cluster technology ayaa kuu saamaxeeysa in aad ku darto cluster horay u jiray oo ahaa Windows Server 2012 R2 Cluster Failover mid ah Windows Server 2016 Node. Balse Clutser ka lagu sameeyay Windows Server 2012 waxa uu ushaqeeynaa sida Server 2012 loogu talagalay in kastoo Hadii aad ku darto Windows Server 2016 nodes oo shaqeeynayo balse wuxuu waligiis ahaanayaa Windows Server 2012 R2 functional level.

The ability to hot add and hot remove virtual memory and network adapters from virtual machines.

Microsoft markii eey iclaaminayeen Windows Server 2016, waxyaabaha eey ku xayeeysiinayeen Windows Server 2016 waxaa kamid ah in Virtual Machine daaran laga bixin karo Memory ga ama Network card, waa cajiib computer daaran oo laga bixiranyo Random Access Memory (RAM) ga oow ku shaqeeynayay waa mid lagaaray, horumarka technology ga aad ayuu usareeyaa xawaarihiisu, balse la jaanqaad technology da cusub qofka aqrinayoow.

Nested virtualization

Horay baan uga hadalnay Virtual Machine balse waxaad sameeyin kartaa in aad kusii dhex abuuro Virtual Machine kale mida horay u jiray waxaana loo yaqaanaa Nested virtualization, oona macneheedu tahay wax is hoos imaanaya.

Shielded virtual machines

Waxaad daboolin kartaa Virtual Machine ka sidaa oowsan u aqrin data da ku jirata Virtual Machine kaas qof aanan loogu talagalin.

Windows Defender

Windows Defender waa security software lasocda Windows 10 iyo Windows Server 2016 oona ka difaaca wixii Malware ah oo dhan. In kastoonan automatically oosan u shaqeeyneeyin oona ubaahan yahay in ladaaro sida oow u shaqeeyo, balse asaga oonan daarneeyin ayaa Update lagu sameeyaa Database kiisa.

Storage Spaces Direct

Storage Spaces Direct waa technology lagama maarmaan ah markii la isticmaalayo Clusrter, oo waxa eey fududeeyneeysaa in ladhiso Storage si toos ah ugu xiran Nodes ka katirsan Cluster ka. Sidoo kale wuxuu isticmaalaa Server Message Block 3 (SMB3) protocol oo kusoo kordhinaya Storage kaas adkeeysimo badan.

Microsoft Passport

Microsoft Passport waxa uu badalay Password ka caadiga ah oo la isticmaalo oo waxa uu ku badalay two-factor authentication oo la isticmaalayo Windows Hello (biometric) ama PIN. Waxa eeyna aad u fududeeysay sida loogu sameeyo Windows ka sign-in isla markaana eek or uqaaday Security ga.

Active Directory Domain Services (AD DS)

AD DS waxaa lagu sameeyay hormarin badan kuwana waa lagu soo daray sida access management (PAM), iyo  Azure AD Join, sidoo kale waxa eey lashaqeeyneeysaa Microsoft Passport.

Fiiro Gaar Ah:

Hada intaan kor ku xusan ma ahan tiro dhameeyistiran oo Feature kii lasoo baxay Windows Server 2016, fadlan booqo website ka si aad u heshid List of Features kii oo dhameeyistiran: http://aka.ms/S4u2tt

Windows Server Servicing Channels

Windows 10 wixii kadanbeeyay Microsoft waxa eey Windows ka u iibiyaa n si ah Windows-as-a-Service, taasoo Meesha kasaartay in eey Microsoft Sadexdii sanoba eey soo saaraa Windows Cusub taas oo keeni jirtay cilado badan oo lasocon jiray Windows ka cusub. balse hada Windows 10 oo kaliya ayeey hormarin kuwadaan, meeshaan waxaa kadhashay 2017 kii ineey Microsoft badasho Microsoft Software Assurance Agreement ga eey dadka siin jireen markii eey gataan Windows ka soo baxa oo halmar oo kaliya ayaa lacag lagaa qaadayay kadib wixii Update ah oo dhan Free ayaad ku helaysay balse hada waxaa laga dhigay Semi-Annual Channel oo laga wado lixdii biloodba in aad mar dhiibto lacagta ama Long-Term Servicing Channel (LTSC) oo laga wado sandkiiba mar u aad dhiibeeysid lacagta.

Exercise 1.1    Installing Windows Server 2016

Exercise kaan waxaad ku baranee sidaa loo sameeyo Installation Windows Server 2016 (Desktop Experience), waana shaqo aad u fudud oonan waqti badan qaadan doonin. Qiyaas ahaan 20 Daqiiqo kabadan kuguma qaadaneeyso.

  1. Soo daar Hyper-V Manager SERVER05 Machine, Power on this Virtual Machine.
  • Adoo isticmaalaya drop-down lists hortaada ah, fadlan dooro language aad rabto, time iyo currency format, iyo keyboard. Riix Next.
  •  Markaad joogto Windows Server 2016 Install Now page, Riix Install now.
  • Markaad joogto Operating System to Install page, Dooro Windows Server 2016 Datacenter (Desktop Experience). Riix Next.
  • Markaad joogto License Terms page, dooro I accept the license terms kadib Riix Next.
  • Markaad joogto  Which type of installation do you want page, Dooro Custom: Install Windows only (advanced).
  • Markaad joogto Where Do You Want to Install Windows? page, Kadooro list ka, Riix Drive 0 Unallocated Space kadib Riix Next.
  • Dhowr daqiiqadood kadib Windows Server 2016 waa uu isisoo daminayaa oo waxa oo wadaa waa installation kii, markii oo dhameeyo waxa uu kuweeydiinayaa in aas sameeysato Password, Waxaad ku qortaa Password kaan, Pa$$w0rd. Kadib Riix Finish.
  • Riix Action menu kadib Riix  Ctrl+Alt+Delete. Waxa oo ku weeydiinayaa in aad ku gasho computer kaan Username iyo Password oona ah Administrator iyo Pa$$w0rd.
  • Hadii lagu weeydiiyo su’aashan “If you are prompted to allow your PC to be discoverable by other PCs”, Riix Next.
  • Waxaa ku gashaa SERVER05, adoo isticmaalaya administrator iyo Pa$$w0rd.
  • Fadlan dami inta aadan u gubin Exercise ka xiga kan.

Exercise 1.2   Installing Roles and Features

Exercise kaan waxaad ku baranee sida loogu daro Roles iyo Features Windows Server 2016 adiga oo isticmaalaya Server Manager. waana shaqo aad u fudud oonan waqti badan qaadan doonin. Qiyaas ahaan 10 Daqiiqo kabadan kuguma qaadaneeyso.

  1. Server Manager oo kuu furan, Riix  Manage > Add Roles and Features.
  1. Markaad joogto Add Roles and Features Wizard, iyo Before You Begin page, Riix Next.
  2. Markaad joogto Installation Type page, Riix Next.
  3. Markaad joogto Server Selection page, Riix Next.
  4. Markaad joogto Server Roles page, Riix sidaad u doorato Web Server (IIS) option. Markaad joogto Add Roles and Features Wizard dialog box, Riix Add Features button. Kadib Riix Next.
  5. Markaad joogto Features page, dooro Telnet Client option iyo XPS Viewer option.
  6. Waxaad hoos ugashaa Remote Server Administration Tools option kadib sii fur  Role Administration Tools node iyo Feature Administration Tools node sidii aad u aragto wixii options ah oo jira.
  7. Riix Next.
  8. Markaad joogto Web Server Role (IIS) page, Riix Next.
  9. Markaad joogto Role Services option, Riix Next.
  10. Markaad joogto Confirmation page, Riix Install.
  1. Markow dhamaado iska xir. Waadna dhameeysay Exercise kaan.

Related Articles