Dabeecadaha Qofka IT Professional ka ahi leeyahay

Saddex ka mid ah tayada ugu muhiimsan ee farsama yaqaankaahu in oow leeyahay waa dabeecad wanaagsan, Dhageysi firfircoon, iyo  fikrad macquul ah.

Dabeecada wanaagsan waa tayada ugu wanaagsan oow qofka farsama yaqaanaaka ahi yeelan karo. Hadii aad dabeecad wanaagsan oo aad caawineeysid qof macmiisha kamid ah oo xanaaqasan waad udulqaadan kartaa. Waxaa adiga xilkaa saaran yahay in aad si wanaagsan ula dhaqanto dadka adiga oonan xanaaqin marnaba. dabeecad wanaagsan waa mida kaliyah ee aad hormar ku gaarin kartid.

Dhageysiga firfircoon waa muhiim, sababtoo qofku markii ow kula hadalayo in aad dhageeysato, oodna usoo jeedid waxa oow kuu sheegayo si aad fahanto cilada heeysata qofkaas. Balse hadii aad tahay maqane jooge inta oow qofku kula hadlayo, ood ku mashquusho telephone kaaga ama aad shaqo kale gacanta kula jirtid, malagayaabo marnaba in aad fahanto cilada heeysata qofkaas.

fikrad macquul in aad latimaado waa muhiim, sababto ah markii aad cilad bixin aan sameeyneeysid, hadii aad ku nasiibso aad cilada ubaareeysid waqtiga ayaa kaa dhumaya, balse ogow buugaan waxaad ku baranee ereybixin badan ee dhanka kumbuyuutarka iyo erayadaa macnahooda. Sidoo kale waxaad ku baranee sida loo sameeyo ciladaha kumbuyuutarka kuyimaada. Inkasoo aanan hal buug lagu soo koobin karin cilad kasta eey ku imaan karta kumbuyuutar ka, balse waxaad ku baranee buugaan, hadii eey ciladu ku qabsato, halkee laga bilaabaa cilad bixinta iyo talaabooyinka la qaadayo.

Ugu dambeyntiina, waxaad ogaataa in lagaaga baahan yahay in aad noqoto  jack-of-all-trades aka (Abdi-of-all-trades) oo laga wado qof xirfado badan leh.

Related Articles