Find answers, ask questions, and connect with our
community around the world.

Home Forums Cloud Computing & Cybersecurity programming languages for cybersecurity

  • programming languages for cybersecurity

  • Abbas Ali Gedi

    Member
    October 2, 2020 at 8:15 AM

    asc dhamaan macalimiinta sharafta leh Eng Abdirizak iyo Eng mohmed iyo dhamaan ardada qiimaha bdn . salaan kadib suaasheyda waxaay tahay qofka raba inoo noqdo cybersecurity ama ethical hacker ma u baahan yahay inoo programming yaqaano hadoo u baahan yahayna luuqado qaas u ah cybersecurity ma jiraan?

    suaasha labaad networking waa u muhiim saan horay uskula soo fahanay marka qofka networking oo dhan inoo yaqaano ma qasabaa mise meela mucayin ah oo qofka cybersecurity baranaaya barankaraa jirta?

    mahadsanidiin

  • Burhan Yasin Abshir

    Member
    July 10, 2021 at 6:04 PM

    Wcs, Abbas Ali,

    Walal horta anigu labada Eng. midna ma ihi, waxaan ahay oo qura arday kula mid ah field-ga cyber security gana daneeya. Haddaan su’aashaada isku dayo in aan ka jawaabo waxaan u kala dhigi lahaa qaabkaan:

    1. Ma u baahanyahay qofka Hacking-ga (Ethical-ka khaasatan) baranaya in uu yaqaano programmin?
    Jawaabtaydu waa HAA.
    Sababta ayaaan raacinayaa oo ah; qofka ethical hacker-ka ahi waxaa uu baaraya (find out), fashilinaya oo bannanka keenaya (expose) isla markaana ka hor tagayaa dhammaan khataraha ku imaan kara system-ka uu faraha ku hayo; haddii ay tahay DATABASE SECURITY e.g. MYSQL based DB, OPERATING SYSTEM ama NETWORK.
    Sidaa darteed qofka noqonaya expert cyber security, wuxuu u baahanyahay tusaale haddii uu ilaalinayo, detect-garaynayana vulnerable system e.g. DATABASE waa inuu yaqaanaa luuqadaha DATABASE yada lugu qoro oo casriga ah e.g. SQL sidoo kale waa inuu wax ka fahansanyahay SERVER SIDE scripting languages e.g. PHP

    2. Qofka Networking-ka ma u baahanyahay in uu fahansanyahay si qoto dheer haddii uu baranayo ama ku shaqaynayo cyber security?
    Sidaan horey u soo sheegay, fields-ka cyber security gu ayagaa badan, haddii qofku uu rabo inuu specific field inuu kaga takhasuso gaar ahaan NETWORK SECURITY haddaba waa inuu si wacan u fahansanyahay NETWORKING ka maadada la yiraahdo waayo waxaad khatarta ka ilaalin kadhaa oo keliya waxaad adigu si fiican u taqaanid.

    Aad baad u mahadsantahay.
    By: Burhan Walde.

  • Abbas Ali Gedi

    Member
    August 28, 2021 at 8:00 AM

    aad baad u mahadsan tahay walaal burhaan

Viewing 1 - 3 of 3 replies

Original Post
0 of 0 posts June 2018
Now